Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Mahad Salaad: Canshuurta uu Wasiir Beyle rabo inuu qaado ha keeno Sharcigeeda Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Salaad: Wasiir Beyle waxaan weydiin lahaa: Canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 ee uu Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9, Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka, ugu danbeyn 15-ka Maarso, 2019.

Sidoo kale, Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka 3-dii Feebarayo, 2019 waraaq ayuu diray Wasiirka Maaliyadda lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay, oo ah 15-ka Maarso, 2019.

Hadda, waxaa iswaydiin mudan Wasiirka isaga ayaaba laga sugayaa sharcigii canshuuraha iyo tacriifooyinka lagu qaadi lahaa e, dadka uu u goodinayo soo in sharci wax looga qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Mudane Wasiir, Illaahey ka baq, oo ummaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley, kamaba dhaafayside!

Mahadsanidiin

Hon. Mahad Maxamed Salaad

Warar kale oo la xiriira