• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Kalfadhiga golaha wakiillada Puntland oo la filayay inuu soo xirmo oo furnaan doona, waxayna galeen fasax bil ah

Cabdiraxmaan Maxamed by Cabdiraxmaan Maxamed
February 17, 2019
in Baarlamaanka, Warar
Reading Time: 1 min read
0
Kalfadhiga golaha wakiillada Puntland oo la filayay inuu soo xirmo oo furnaan doona, waxayna galeen fasax bil ah

Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta galay fasax bil ah, waxayna dib shaqada ugu noqon doonaan 20ka Maarso, si ay uga shaqeeyaan una meelmariyaan miisaaniyadda cusub ee dowladda dabadeedna ay fasaxoodii caadiga ahaa u galaan.

Gudoomiyaha golaha wakiillada Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa shaaciyay fasaxa bisha ah ee ay gelayaan xildhibaanada iyo xataa guddiyada joogtada ah ee golaha wakiilladu.

“Marka la gaaro 1da Abriil dalku miisaaniyad ma leh, sidaas darteed waa in aan 10ka cisho ee ka horeeya mudadaas aan si adag u shaqaynaa,” ayuu yiri Gudoomiye Dhoobo-daareed.

Gudoomiyaha golaha wakiilladu wuxuu sheegay in shaqooyinkii golaha horyaalay kalfadhigan ay si wanaagsan u qabsoomeen oo aysan hawli u harin. Waxaa la filayay in kalfadhigu soo xirmo toddobaadkan.

Baarlamanka Puntland ayaa sanadkii yeesha laba kalfadhi oo caadi ah oo midkiiba uu socdo 45 cisho, waxayna fadhiyadaas furmaan bilaha Juun iyo Oktoobar.

Intii kalfadhigu socday Baarlamankan ayaa ansixiyay miisaaniyad deg deg ah oo saddex bilood ah oo ku eg 31da Maarso si xukuumadu u sii shaqayso. Waxaa baaqday kalfadhigii Oktoobar ee sanadkii hore uu baarlamanku yeelan lahaa sababo la xiriira doorashada, taasna waxay meesha ka saartay in la meelmariyo miisaaniyadii sanadkan xukuumadu ku shaqayn lahayd, maadama inta badan kalfadhiga Oktobar uu yahay kan lagu meelmariyo arrinta miisaaniyadda.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa warbixin sanadeedkii 2018 ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha waxayna ka dhegaysteen difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali, iyagoo su’aalo kulul dhinaca xaaladaha xuquuqda Aadanaha ka weydiiyay difaacaha.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kiinya iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray

Next Post

Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey oo dhaliilay habka warbaahinta loogu bandhigay dad la tuhusan yahay in ay dilal ka geysteen Boosaso

Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdiraxmaan Maxamed

Related Posts

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)
Warar

Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirrada (Akhriso: Maxaa ka dhacay golaha?)

August 7, 2022
Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub
Warar

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

August 4, 2022
Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada
Warar

Madaxweynaha oo baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada

August 3, 2022
Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)
Warar

Mid kamid ah wasiirradii la magacaabay oo is casilay (Akhriso: Maxaa sababay)

August 3, 2022
Next Post
Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey oo dhaliilay habka warbaahinta loogu bandhigay dad la tuhusan yahay in ay dilal ka geysteen Boosaso

Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey oo dhaliilay habka warbaahinta loogu bandhigay dad la tuhusan yahay in ay dilal ka geysteen Boosaso

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo
  • Warar

Links

  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Warar
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com