Baarlamaanka Warar 

Gudoomiye Dhoobo-dareed“In aan xilka kala wareego gudoomiyihii hore waxaa inoo diidday shaqada oo badnayd”

Gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa maanta wuxuu xilka kala wareegay gudoomiyihii hore ee golaha Axmed Cali Xaashi.

Munaasabad kooban ayaa ka dhacday xaruunta baarlamanka Puntland ee Garowe.

Gudoomiyihii hore wuxuu wareejiyay dikumentiyo ay ku jiraan hawlihii shaqo ee goluhu qabtay mudo saddex sano ah oo uu xafiiska joogay iyo kuwii ka horeeyayba, xaruunta golaha oo ay hagaajiyeen iyo adeegyda ICT-ga oo ay ku kordhiyeen golaha.

Gudoomiyaha hadda xafiiska jooga ayaa sheegay in xilwareejintani ay aad uga dib dhacday wakhtigeedii, taasna ay ugu wacnayd hawlihii shaqo ee golaha horyaalay oo aan wax fursad ah u ogolaanayn in munaasabadani dhacdo.

Dhinaca kale, xoghayaha joogtada ah ee golaha Cabdirisaq Xiddig oo bishan xafiiska loo magcaabay ayaa isna maanta xilka kala wareegay xoghayihii hore Cali Axmed Saalax oo ka mid noqday golaha wakiillada cusub ee Puntland.

Warar kale oo la xiriira