Warar 

Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka Puntland iyo Somaliland

Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Andreas Uexkull oo beryahan ku sugan magaalada Garowe ayaa mar uu ka hadlayay horumarinta dimuqraadiyadda wuxuu ka hadlay khilaafka Puntland iyo Soomaaliland ee Sool iyo Sanaag.

Amb. Andreas wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda oo ka hanaqaada Puntland ay muhiimad weyn u leedahay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuse sheegay inuu ka xun yahay khilaafka labada dhinac ee salka ku haya goboladaas.

Wuxuu sheegay in dowladda Sweden ay gacan ka geysan doonto in xal laga gaaro khilaafkaas iyo in la isu soo dhowaado.

Safiirku wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabadda 25 sano guurada ka soo wareegtay markii ay hay’adda Diakonia ka hawl bilawday Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Warar kale oo la xiriira