Baarlamaanka Warar 

Gabar uu dhalay Madaxweyne Erdoğan oo Tababar u qabatay Xildhibaanada Haweenka ee BFS

Waxaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku soo gaba-gaboobay Tababar loo qabtay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Tababarka qabtay Gabar uu dhalay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Xaaskiisa.

Sawiro lagu baahiyay baraha Bulshada ku kulanto ee Facebook ayaa waxaa ka soo muuqday Xubno Haween ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Islamarkaana isugu jira Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook oo ay kuwada xiriiraan Soomaalida ee dalka Turkiga ayaa lagu yiri “24 Xildhibaan oo dhammaantood Haween ah oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Aqalka Sare ayaa Siminaar uga furmay Magaaladda İstanbul ee dalkan Turkiga”,

Sidoo kale waxaa la sheegay in Tababarka ay macalimiin ka yihiin ama ay bixinayaan Gabar-uu dhalay Madaxweye Turkiga iyo Xaaskiiga sida qoraalka lagu sheegay “waxaa Siminaarka bixinaya Gabadha uu dhalay Madaxweyne Erdoğan iyo Xaaskiisa Marwo Sümeyye Erdoğan Bayraktar.

Siminaarkaan oo maanta furmay ayaa lagu wadaa in uu qaato muddo maalmo ah waxaana kadib la filayaa in Xubnaha ka qayb-galaya ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho sida uu qorshuhu yahay.

Lama sheegin waxa uu ku saabsan yahay Tababarka balse waxaa warar la helay ay sheegayaan in looga hadlayo arimo quseeya Shaqada Baarlamaanka iyo isku xirnaanta dumara ku jira Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku jira Fasax Gabo-gaba maraya, waxaana la filaya 10ka bisha dhalaneyso in uu furmo Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galaya Xubnaha Haweenka ee Aqalka Sare waana markii ugu horreysa oo ay Xubno katirsan Labada Gole madal isugu tagaan, tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhax-galay Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira