Warar 

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay Golaha Amniga Jubbaland

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay qaar kamid ah qodobadii Shalay ka soo baxay Golaha amniga Jubbaland ee ka hadlayay amniga Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xildhibaan Xidig ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in uu soo dhowaynayo qodobada qaar balse aysan suurta gal ah in amniga Musharaxiinta ay sugaan Ciidamo loo diyaariyay laakiin ay tahay in ay keensadaan Ciidan ay ku kalsoon yihiin oo ay naftooda ku aamini karaan. “Qodobka ku saabsan Ilaalada Musharixiinta waxaa lagama maarmaan ah in murashax kastaa haysto ilaalo kooban oo uu ku kalsoon yahay naftiisana ku aamini karo”, ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. “Waxaan marnaba aan suuragal noqon doonin in murashaxiinta loo keeno ilaalo aysan
ku kalsooneyn lana hubin meesha laga keenay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Xidig.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ku taliyay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu la sinaado Musharaxiinta kale si ay u dhacdo doorasho Xalaal ah oo lagu wado qanacsan yahay sida uu sheegay Xildhibaan Xiga. “Madaxweynaha hada talada haaya oo la filayo inuu Murashixiinta ka mid yahay waxaa ku haboon inuu talada iyo xuquuqda ula sinaado murashaxiinta kale si Geedi-socodka doorashadu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo, laguna wada qanco” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xidig

“Gudiga amniga waxay iftiiminayaan muuqaalka ay yeelan karto doorashada jubaland ee lagu gudo jiro hada” ayuu yiri Xildhibaan Xidig. ” Waxaan idin balan qaadayaa inaan marna nalaga leexin karin ujeedada isbadel doonka iyo inaan u tartami doono xilka Madaxwaynanimo ee Jubbaland 2019″, ayuu yiri Cabdirashiid Xidig.

Ugu dambeyntii Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay daganaan muujiyaan oo ay u hogaansamaan Sharuucda Golaha amniga Jubbaland ay soo saareyn shalay si loo ilaaliyo Xasiloonida Jubbaland. “Dhamaan taageerayasheyda gaar’ahaan isbadel doonka ree Jubaland Gudaha iyo dibada waxan ugu baaqayaa deganaan iyo in ay ilaaliyaan una hogaansamaan awaa-miirta heyadaha amniga kana fogaadaan wax kasta oo amniga wax u dhimi kara” ayuu ku soo gaba-gabeeyay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Warar kale oo la xiriira