Warar 

Xeer Ilaalinta Puntland oo sheegtay in eheladu ay ku khasbaan dhibanayaasha kufsiga in ay beeniyaan wixii ku dhacay

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Axmed Aw-Cismaan ayaa sheegay in bulshadu ay si walba isugu daydo in ay baabi’yaan kiisaska kufsiga ah ee dhaca, mararka qaarna iyagoo maxkamadaha soo gaaray la isku dayo in dib loo celiyo.

Wuxuu sheegay in kiisasku hadii ay maxkamadaha soo gaaraan ay san xeer ilaalintu ka ogolaan dhinacyada ku lugta leh in ay celiyaan oo ay heshiis hoose ku dhamaystaan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xusay in caqabaddu ka jirto marka qofka dhibbanaha ah lagu soo qabso inuu ka noqdo kiiskiisa isla markaasna uu qofkaasi xeer ilaalinta ka hor cadeeyo in ay dacwadiisii la noqotay oo aysan wax eed ahi jirin. Arrintaasna waxaa dabada ka riixa buu yiri heshiisyada qabaa’ilka dhex mara.

“Anaga kiis aan dhibanne lahayn in aan maxkamad geyno, aad bay noogu adag tahay” ayuu yiri Xeer Ilaaliyuhu.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in baarista qudheeda ay caqabado ka jiraan oo aan si fiican loo heli karin caddamaymaha.

Xeerka kufisga Puntland ee la ansixiyay 2016 oo su’aalo badani dul hoganayaan fulintiisa ayuu sheegay in maxkamaduhu adeegsadaan oo lagu qaado dacwadaha kufsiga.

Warar kale oo la xiriira