Warar 

Maxkamada gobolka Nugaal oo dil ku xukuntay shan dhalinyaro ah oo kufsi ku eedaysnaa

Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku riday Shan wiil oo ku eedaysnaa in ay gabar kula keceen kufsi wadareed 22kii bishii hore. Falkaas ayaa ka dhacay Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa xukunka u cuskatay qodobada 398, 468, 440 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo Aayada 33aad suratu Maa’ida.

Dhowaan ayaa maxkamaddu soo saari doontaa xukunka kiiskan oo faahfaahsan iyagoo inta ka horaysa ku sii jiri doona xabsiga.

Qareenka u doodayay eedaysanayaasha ma uusan qaadan wax racfaan ah, waxaase la filayaa inuu xukunka racfaan ka qaadan doono, sida ay sharci yaqaanadu odorosayaan.

Dhalinyarada ay maxkamadu xukuntay ayaa dhamaantood ka yar 20 sano.

Warar kale oo la xiriira