Warar 

Marsada Kalluumaysiga ee Dekedda Boosaso oo toddobaadkan la xirayo

Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ee Puntland ayaa shaacisay in la xirayo marsadii kalluumaysiga ee dekedda Boosaso, halkaas oo bil ka hor lagu dilay agaasimihii shirkadda Dekedda maamusha ee P&O oo ahaa nin ajinebi ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dekeddu tahay halbowlaha dhaqaale ee Puntland. Xaaladda amniga ee dekedda ayaa la doonayaa in aad loo sugo sida lagu sheegay qoraalka.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa qorshuhu yahay in ay suuq ganacsi u diyaariso kaluumaysatada yar yar ee marsadaas degganaa ka hor 5ta bishan.

Go’aankan ayaa ka dhashay shir ay dhowaan yeesheen madaxda wasaaradaha dekedaha, Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Taliska booliska Puntland, maamulka degmada iyo kan gobolka Bari.

Warar kale oo la xiriira