Dowladda Hoose Warar 

Dowladda Hoose ee Garowe oo dayactiraysa jid halbowle ah oo ay wax yeeleen gaadiidka iyo biyaha wasakhda ah

Dowladda hoose ee Garowe ayaa dayactir ku bilawday jidka halbowlaha ah ee magaalada, kaas oo mudooyinkii dambe ay ku sii kordhayeen godad yar yar oo ka samaysmay hab socodka gaadiidka iyo kororkooda.

Godadka ayaa dib loo buuxinayaa hadda si aysan u sii kordhin burburka laamigu.

Gaadiidka iska rogooyinka ah ee dhagaxa qaada, baabuurta xamuulka ah ee shalmadaha leh, baabuurta qalabka dhismaha; gaar ahaan kuwa sida biraha shubka deedna jiida ayaa dowladda hoose sheegtaa in ay ugu wacan yihiin burburkan.

Docda kale, waxaa hadda dhibaatada qayb ka ah makhaayadaha cuntada iyo kuwa yar yar ee shaaha lagu iibiyo oo ay dowladda hoose sheegayso in ay biyaha wasakhda ah ee ay kaydiyaan  habeenkii laamiga ku qubaan, taas oo iyaduna burburka gacan ka geysata.

Jidkan oo halbowle ah ayaa waxaa dhistay dowladii meleteriga, balse mudooyinkii dambe magaaladu wxaay si weyn uga faa’iidaysatay mashaariicda horumarinta ee caalamku ku taageero Soomaaliya waxaana laga hirgeliyay ku dhowaad 15 jidad laami ah oo cusub.

Warar kale oo la xiriira