Warar 

Xildhibaan Fiqi “Waxaan aad ula socon doonaa kulanka saddex geesoodka ah ee Nairobi ka socda”

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Reysal Wasaaraha Itoobiya ay ku gaareen dalka Kenya kaas oo la sheegay in lagu xali doono Khilaafka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in uu soo dhowanayo in heshiis laga gaaro Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya balse waxa uu ka digay in Soomaaliya ay sameyso tanaasul lagu luminayo taako kamid ah badda Soomaaliya ama wax kale oo ay Soomaali leedahay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu isha ku haayn doono Shirka Nairobi ee hogaamiyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya kaas oo loooga hadlayo damaca Kenya ee Badda Soomaaliya.

“Waxaan soo dhowaynaynaa in khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee soo cusboonaaday bishii la soo dhaafay xal laga gaaro laguna soo celiyo halkiisii hore”, ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka hogaamiyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee maanta ka socda Nairobi islamarkaana looga hadlayo damaca Kenya ee Badda Soomaaliya ayaa Xildhibaano badan waxay sheegeyn in ay la socon doonaan sida wax loo wado, Xubnahaan ayaa ka digay in qodobo wax u dhimaya Badda Soomaaliya ama hanti kale oo Soomaaliyeed aan lagu dag-dagin.

“Waxaan si dhow ula soconaynaa safarka umadda Soomaaliyeed laga qariyey ujeedadiisa ee Adisababa warkiisa laga soo diray, ayadoo umadda Soomaaliyeedna ay indhaha ku hayn doonto wadahdalka Nairobi” ayuu yiri Axmed Macalim Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa shaki geliyay in wadahal uu ka socdo Kenya oo u dhaxeeya labada dowladood, balse waxa uu sheegay in Soomaaliya ay halkaasi u tagtay raali gelin sida uu hadalka u dhigay. “haddii wadahadalku dhex-dhexaadin yahay, aniga qiyaastayda wuxuu ka dhici lahaa Adisababa oo labada dal u dhexaysa, balse waxay iila muuqataa raali gelin”, ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Warar kale oo la xiriira