Gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyaha baarlamanka Dalka Jibuuti Maxamed Cali Xumad.
Gudoomiye Dhoobo-daareed ayaa sheegay in kulankaas ay kaga wada-hadleen wada-shaqayn dhex marta baarlamanka dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo kan jahmuuriyadda deriska ah Djibuuti.
Docda kale wuxuu sheegay in ay ka wada-hadleen in labada baarlaman ay dhowaan is dhaafsadaan aqoon iyo safaro isbarasho.
Wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamankiisa iyo xubno laga soo doorto Puntland oo ka mid ah baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beryahan safar ku joogay dalka Djibuuti.