Gudoomiyaha guddiga xuquuqda Aadanaha, Arrimaha qoyska iyo haweenka ee golaha wakiillada Puntland Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe ayaa haweenka ugu baaqday in ay la yimaadaan cudud midaysan, si ay door wanaagan uga helaan ka qaybgalka siyaasadda Puntland.
Xildhibaan Nimco oo maanta khudbad ka jeedisay munaasabadda 8da Maarso oo laga xusay Garowe, maadama shalay oo ay jimce ahayd dib loo dhigay; ayaa sheegtay in caqabadaha haweenka kaga gudban in ay door wanaagsan ka helaan siyaasadda Puntland ay tahay tafaraaruq dhexdooda ah iyo isku xirnaan la’aan.
Golaha wakiillada oo kale ayaa ka mid ah meelaha aysan haweenku ka helin metelaadda wanaagsan doorashadii dhowayd. Xildhibaan Nimco ayaa muujisay in ay doonayso in ay door ka qaadato horumarinta haweenka ee dhinaca siyaasadda iyo dhincyada kala duwan inta ay golaha ku jirto.

Xukuumadda uu dhowaan soo magcaabay madaxweyne Siciid Cabdulahi Deni ayay sidoo kale haweenku ka heleen hal wasiir oo buuxa iyo saddex ku xigeen, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inuu doonayay in uu haweenka siiyo saddex wasiir balse uu taas u samayn waayay caddaadis xoog leh oo uga yimi siyaasiyiinta deeganadda sida uu sheegay.