Warar 

Musharraxiin ku baaqay in degdeg loo sameeyo Hab-raaca Doorashada Jubbaland

War uu Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ku soo daabacay Feysbuuggiisa ayuu ku sheegay in ay ku sameeyeen Gole ay ku mideysan yihiin Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha Jubbaland, kaas oo dalbanaya in ugu dambeyn 15-ka Agoosto, 2019 ay Jubbaland doorato Madaxweynaha hogaamin doona shanta sano ee soo socota. Warkaas ayaa u qoran sidan hoose:-

Murashaxiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland, ee heer Baarlamaan iyo heer Madaxweynaha Jubbaland, waxay si wadajir ah u sameeyeen Golaha Musharixiinta Isbaddel Doonka Jubbaland ee 2019, kaas oo ay ku mideysan yihiin musharixiinta u taagan kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee 2019.

Si loo helo matalaad rasmi ah, Golahu wuxuu isku raacay in habraaca Doorashadu noqdo mid Daah furan xor iyo xalaal ah kana madax banaan faragelin ka timaada murashaxiinta ku tartamaya kuraasta madaxweynenimada, tan baarlamaanka iyo faragelin kale, meel kasta oo ay ka timaado.

Goluhu wuxu si wadajir ah u soo jeedinayaa in Dhamaan Murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda talada haya, ay wada-tashi iyo isla ogol ka gaaraan qodobbada iyo bab-raaca doorashada, sida;-

1: Wada-tashiga dhamaan murashaxiinta kadib, waa in si degdeg ah loo magacaabo Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha, ugu danbeyn bishan march, 2019

2: Shaqada iyo awoodda Guddiga Doorashada ayaa noqoneysa Xoghayn lagu soo ururiyo liiska xildhibaannada, odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahi soo xulen oo kaliya

3: Guddiga Doorashada iyo Xuduuduhu malaha awood wax ka bedel diidmo iyo ku daris liiska odoyaasha dhaqanka ee rasmiga ahi u soo gudbiyaan

4: Shaqada Guddiga Doorashada iyo Xuduudahu waxay ku egtahay marka ay dhaariyaan dhamaan 75-ta xildhibaan ama 2/3 Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland, oo lamid ah 56 xildhibaan

5: Marka la dhaariyo Xubnaha Baarlamaanka, dhamaan habraaca doorashada waxaa la wareegaya Golaha Baarlamaanka cusub, xubinta ugu dada wayn Golaha Baarlamaanka Cusub ayaana shir-gudoon ku-meel-gaar ah noqonaya, inta laga dooranayo guddoomiyaha rasmiga iyo labadiisa kuxigeen

6: Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee baarlamaanka ayaa Golaha Baarlamaanka ka dhex magacaabaya Guddiga Doorashada ee Guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, isagoo ka ansixinaya Golaha Baarlamaanka

7: Marka la doorto Gudoomiyaha Golaha iyo Kuxigeenadiisa, waxaa hogaanka doorashada la Wareegaya Gudoomiyaha Rasmiga ee Golaha Baarlamaanka, wuxuuna markale golaha ka ansixinayaa Guddiga Doorashada Madaxweynaha, oo ahaan kara guddigii hore ee Baarlamaanka laga magacaabay ama kuwo cusub, markale ayaana golaha laga ansixinaya

8: Guddiga Doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay waxay dejinayaan shuruudaha iyo dhamaan hab-raaca Doorashada Madaxweynaha ilaa codeynta iyo ku dhawaaqidda natiijada doorasha

9: Iyadoo la raacayo hab-raacii loo maray Dhismaha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ayaa la dhisayaa Gudiga Xalinta khilaafaadka

10: Shaqada iyo awoodda guddigu waa inay xaliyaan wixii khilaaf dacwo ama is-daba-marin ah ee doorashada ku saabsan

11: Guddigaas waxay ilaalinayaan sixiixa iyo go’aanka oday dhaqaneedka saxda ah, Kaas oo noqonaya halka loo noqonayo hadii khilaaf yimaado, gudiguna malaha awood wax lagaga bedeli karo saxiixa iyo go’aanka oday dhaqameedka rasmiga ah

12: Si looga fogaado abuuritaanka odayaal dhaqameed aan rasmi ahayn, awoodna u lahayn soo xulitaanka Xubanaha Baarlamaanka, dhamaan murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda talada haya, waxay si wada ogol ah u hubinayaan liiska odayaal dhaqameedka rasmiga ah ee beel kasta u soo xulaya xubnaha Baarlamaanka ee Beeshiisa

13: Odayaal dhaqameedyada ku jira liiska 135-ta oday dhaqameed ee la yaqaano, oo kaliya ayaa beelahooda u soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka

14: Beelaha aan 135-ta oday dhaqameed matalaad ku lahayn waxaa u soo xulaya oday dhaqameedka beeshaas u matala deegaanada Jubbaland ee laysla yaqaano, waana in si wada ogol ah murashaxiintu isula ogolaadaan

15: Oday dhaqameed kasta isagoo la tashanaya nabaddoonada beeshiisa wuxu guddiga doorasha iyo xuduudaha u soo gudbinayaa magacyada xubnaha beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Jubbaland

16: Oday dhaqameed kasta wuxu Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha u soo gudbinayaa Hal Magac, halkii kursiba

17: Guddiga waxaa ka reebban inay qabtaan magacyo dheeri ka ah kuraasta beel waliba ku leedahay Baarlamaanka. Tusaale, beeshii hal xubin ku leh baarlamaanka waxay guddiga u gudbineysaa hal magac oo kaliya

18: Guddiga Doorashadu kama qaban karo oday dhaqameedkii u soo gudbiya magacyo ka badan tirada kuraasta beeshiisa

19: Oday dhaqameed kasta liiska magacyada ee beeshiisu u soo xulatay Baarlamaanka wuxu ka sameynayaa 6 nuqul oo la kala siinayo:-

A: Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha
B: Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka
C: Urur Goboleedka IGAD
D: Beesha Caalamka
E: Golaha Murashaxiinta Jubbaland iyo
F: Midka Odaygu La Hadhayo

20: Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada Murashaxiinta Heer Baarlamaan iyo Madaxtooyo, murashaxiintu, iyagoo ilaalinaya amniga, xasiloonida iyo midnimada bulshada Jubbaland, waa inay la haadaan dhaqdhaqaaq xor ah oo ay ololahooda si nabad ah ugaga sameystaan dhamaan deegaanada Jubbaland iyo meeshii kalee ay rabaan, waxaana ka reeban is hortaag iyo caburin

21: Murashaxintu waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qeybaha bulshada, Xubnaha Baarlamaanka iyo ciddii kale ee ay rabaan

22: Murashaxiintu waxay xor u yihiin inay qabsadaan kulamo, goortay rabaan, kuna qabsadaan goobtay rabaan

23: Dhamaan murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya, waa inay u sinaadaan xuquuqda, awoodda, talada iyo tasiilaadka

24: Saxaafadda madaxa banaan iyo Teleefishinka Jubbaland waa inay si loo siman yahay ugu adeegaan dhamaan murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya:

25: Amniga, hab-raaca ololaha doorashada, codeynta iyo hoolka doorashadu ka dhacayso waa inay sugaan ciidamo ka kooban Jubbaland, SNA iyo ciidamo isku jir ah oo ka socda Wadamada kala duwan ee Qeybaha AMISOM

26: Si looga fogaado wax is-daba-marin, is hortaag iyo caburin, loona helo daah-furnaan lagu wada kalsoonaan karo, hab-raaca doorashada bilow ilaa dhamaad waa inay goobjoog iyo kor joogto ka ahaadaan Xubno ka kala socda:-

A: Dowlada Federaalka – Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
B: IGAD
C: Beesha Caalamka iyo
D: AMISOM

27: Jadwalka Hab-raaca Doorashada sida:-

A: Maadaama Guddiga Doorashada iyo Xuduuduhu aad uga dib dhacay xiligii la magacaabi lahaa, waa in degdeg loo magacaabaa bishan March, 2019

B: Xildhibaannada Jubaland waa in la soo xulaa ugu danbeyn 15/4/2019

C: Guddoonka Golaha Baarlamaanka Jubbaland waa in la doorto ugu danbeyn 15/6/2019

D: Doorashada Madaxweynaha waa inay dhacdaa ugu danbeyn bisha August 15-keeda, 2019

28: Cambaareyn – Golaha Isbedel Doonka Jubbaland, 2019, wuxuu cambaareynayaa falkii, 27/2/2019, lagu hor istaagay taageerayaasha murashaxa, ahna xildhibaan laga soo doorto Gobolada Jubbaland, taasoo sababtay in murashaxu lugeeyo Eeraboorka Kismaayo ilaa magaalada Kismayo oo isu jira 15km, waxaanna ka digeynaa inay dhacdo iskuday kasta oo lagu caburinaayo Ololaha Murashaxiinta Doorashada Jubbaland iyo taageerayaashooda

29: Golaha Isbedel Doonka JubBaland wuxuu bogaadinayaa sidii degenaanta lahayd ee Murashaxa iyo taageerayaashiisu uga falceliyeen sidii guracneyd ee loola dhaqmay

30: Dhamaan shacabka Jubbaland waxaan ugu baaqeynaa ilaalinta amniga iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga iyo habsami u socodka xulitaanka Xubnaha Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha

Warar kale oo la xiriira