Aragti Warar 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Wasiir Xoosh ma ahayn xaasid siyaasadeed!

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: Maadaama uu ahaa nin aragti madaxbanaan leh, jecel in uu fikirkiisa xor u ahaado, aaminsan in siyaasadu mabda’ iyo aragti tahay, wuxuu xilka Wasiirnimo uu u arkayey in uu xanibayo xoriyadda fikirkiisa iyo aragtidiisa xal u helidda arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Taas ayaana keentay in uu maalmihii danbe oo idil iska gaabsado.

Maanta ayaa Muqdisho lagu aasayaa, Allaha u naxariisto Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh. Wuxuu hormuud u ahaa dhameystirka khariidaddii looga baxay xilligii kala guurka siyaasadeed ee Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd 2011-2012 iyo diyaarinta Dastuurka Ku-meel-gaarka ahaa, wuxuuna haatan gacanta ku hayey Qaybo-tirka Dastuurka.

Ma ahayn xaasid siyaasaseed. Wuxuu ahaa nin tawaaduc badan, qalbi fiican, bulshaawi ah, kaftan iyo sheeko badan, qunyar socod ah, ixtiraam iyo qadarin badan. Wuxuu ahaa siyaasi bidix ah, oo aaminsan cadaaladda bulshada, xorriyadda hadalka, nidaamka dimoqoraadiga, saraynta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka.

Danbigiisa Allaha dhaafo, naxariistii Jano Alllaha siiyo, sabar iyo iimaanna Allaha ka siiyo ehelkiisa iyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed intaba.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Warar kale oo la xiriira