Baarlamaanka 

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan “Dadka deegaanku waxay nagu yiraahdeen In aad noo timaadaan baaba na deeqda”

Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland oo ku jira fasax kooban teer iyo 17kii bishii hore ayaa qaarkood waxay dib ugu noqdeen deeganada ay metelaan, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha nolosha xili xoola-dhaqatadu ay wajahayaan xaalad abaareed oo daran.

Xildhibaan Axmed Cabdiraxaman Jaamac ayaa maanta shaaciyay in laba cisho ka hor uu booyado biyo ah gaarsiiyay deegaano ku yaal buuralayda calmadow ee gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulada Caana-badan oo 45km woqooyi Bari ka xigta degmada Badhan.

Dadka deegaankan ayaan haysan wadooyin fiican oo ay baabuurta maraaan.

Muuqaal laga soo duubay biyo-dhaankaas oo lagu baahiyay warbaahinta Internetka ee DMI ayuu Xildhibaan Axmed ku sheegay in dadka deegaanku ay u baahan yihiin goobo caafimaad, adeegyo waxbarasho iyo in laga hagaajiyo jidadka oo ah buuralay aad u adag.

“Markasta oo aan bulshada u soo dhowaano oo aan ku dhex jirno baahiyohooda ayaan ogaanaynaa, markasta oo aan meelo kale iska tagnana baahidooda waa naga durkaysaa” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Xildhibaanada golaha wakiillada ayaa dib ugu noqonaya kulamadoodii kalfadhiga 43aad marka la gaaro 20 maarso sida qorshuhu yahay. Waxayna ka shaqayn doonaan miisaaniyadda dowladda ee 2019.

Warar kale oo la xiriira