Aragti Warar 

Xildhibaan Jeesow oo ka digay colaad sukeeye oo ka dhalata odayaal lagu xiray Kismaayo

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanak Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay odayaal iyo waxgarad lagu xiray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu xiray qaar kamid ah odayaasha  iyo waxgaardka Kismaayo kuwaas uu asaga ku matalo kursiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Reysal Wasaaraha Soomaaliya ay ceeb ku tahay in magaalada Kismaayo uu joogo lagu xiro odayaal dhaqan waxna uusan ka dhihin.

“Waxa ceeb ah in magaalada Kismaayo oo uu joogo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in maamulka Jubbaland uu ka wado saakay Kismaayo raaf uu kula kacay odayaasha dhaqanka ee kursiga aan ku matalo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in odayaashaan dhaqanka ee la xiray lagu amrayo in ay beeniyaan wareysi uu bixiyay Xildhibaan Jeesow kaas oo uu kaga hadlay Xaaladda Maamulka Jubbaland sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

“Odayaasha waxaa lagu qasbayaa in Saxaafadda la horgeeyo oo jawaab celin ka bixiyaan wareysigii aan kaga hadlay xaaladda dhabta ee kismaayo ka taagan”, ayuu markale ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Waxaan ka digayaa qafaalka odayaasha loo geysanayo taasi oo horseedeysa hurinta colaad sokeeye oo Jubbooyinka ka dhacda”, ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warar kale oo la xiriira