Aragti Warar 

Xildhibaan Fiqi “Inta aysan xaaladda dalka gacanta ka bixin Kheyrre ha is casilo”

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu sii galayo xaalad qatar ah kadib markii la dayacay Ciidamada Qaranka sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Fiqi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dhibaato badan ay wajahayaan Ciidamada Soomaaliya islamarkaana aysan daryeel ka helin Xukuumada.

Fiqi ayaa dhaliyay qaabka maamulka Ciidamada ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, waxa uuna ku baaqay in dalka la badbaadiyo.

“Doontu inta aysan dagin ka hor, dadka qaar waa in ay dagaan” ayuu ku bilaabay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook Xildhibaan Fiqi. “Ka soo bixitaanka CXD labada shabeelle waxay dalka u horseedeysaa xaalad khatar ah oo in laga soo kabsado ay adkaan doonto”ayuu yir Axmed Macalim Fiqi.

“Waxaa hore loogu fashilmay amniga Muqdisho, sababo la xariira maamul xumo, musuq maasuq iyo nin jeclaysi, waxaana muuqata cudurka musuq maasuq uu u gudbay ciidamada difaacyada ku sugnaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya mudo dheer uu daganaa Gaashaandhiga isagoo sheegayay inuu dib u habeyn ku sameynayo Ciidamada balse waxa uu sheegay in ilaa hadda aysan muuqan shaqadaasi.

“Muxuu Madaxweynaha mudada dheer ka qabanayey Gaashaandhigga hadii aan ilaa hada la diiwaan gelin ciidamada, maxaysa Xukuumadda Kheyree qabatay hadii aysan dhowr kun oo Askari ilaa hada diiwaan gelin” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Xildhibaan.

Axmed Macalim Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka waxa uu ku taliyay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu is casilo si dalka loo badbaadiyo xaaladana aysan ka sii darin.

“Xukuumadda waa ku fashilantay amniga dalka waxaan ku talinayaa in intaan dalka gacanta ka bixin ay u turaan umadda isna casilaan isaga Xukuumadiisa”ayuu ku soo gaba-gabeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi.

Warar kale oo la xiriira