Warar 

Guddigiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo la magacaabay

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa magacaabay Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland, kaas oo ka kooban 7 xubnood. Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay in uu guddigan magacaabay, kadib markii, sida uu sheegay, uu arkay sida deg degga ah ee ay Jubbaland ugu baahi qabto dardar-gelinta doorashooyinkeeda Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Guddigan waxaa u taala hawl adag oo ay Jubbaland ka dooneyso inuu uga soo baxo muddo ka yar sanad barkii, oo uu Dowlad Goboleedka Jubbaland ku yeelan doono maamul cusub (Baarlamaan iyo Xukuumad). Warqadda magacaabista guddigaan, oo shalay soo baxday, ayaa xubnaha ku qoran waxaa ka mid ah:

1) Xamsa Cabdi Barre

2) Axmed Cumar Maxamed

3) Samsam Macali Faarax Abuukar

4) Mursal Siyaad Maxamed

5) Ibraahim Aadan Ibraahim

6) Maxamed Cismaan Yuusuf

7) Axmed Maxamed Yuusuf

Magacaabista guddigan ayaa imaaneysa xili ay siyaasiyiinta (musharraxiinta) daneysa Maamulka Jubbaland ku celcelinayeen in si deg deg ah loo magacaabo Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha, iyada oo ay xitaa siyaasiyiinta qaar waqtiga magacaabista guddigaas ay calaamadeysanayeen, iyagoo muujinaya in ay cabsi weyn ka qabaan inuu Madaxweynaha Jubbaland doonayo inuu dib u dhigo shaqada guddigaas, oo la rabo inuu soo dhamaato Agoosto, 2019-ka.

Siyaasiyiin ay ku jiraan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Barahooda Bulshada ku soo qoraya dhigaallo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in guddigaas la magacaabay, iyagoo xubnaha iyo hogaankoodaba ugu hambalyeynaya xilka iyo shaqada u taal, oo ay u rajeeyeen in ay si hufan u gudan doonaan. Laakiin, warqadda magacaabista kuma cadda guddoonka guddiga.

Hoos ka sii aqriso warqadda lagu magacaabay Guudiga Doorashooyinka iyo Xuduuddaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Warar kale oo la xiriira