Baarlamaanka Warar 

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka oo sheegay in u codeynta shacabka fekradahoodii dastuurka ay tixgelinayaan

Guddiga Dib-u-eegista iyo Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu bishaareeyey shacabka inuu tixgeliyey sida ay ugu codeeyeen iqtiyaaro ku saabsan dib-u-eegista dastuurka, oo la xiriira awoodaha iyo mgacayada xilalka hogaanka dalka, oo lagu daray waqtiga ay dalka hogaanimayaan iyo in uu muwaadin haysta dhalasho kale uu xaq u leeyahay inuu hogaamiyo Soomaaliya.

“Waad mahadsan tihiin mar kale, Shacabka Soomaaliyeed aragtidiina aad nala wadaagteen. Waxaan idin kugu bishaareynaynaa in dhammaan arrimihii aad u codeyseen ra’yigii aad ka dhiibateen aanu tixgelinay” ayaa lagu yiri dhigaal uu guddigu ku soo qoray Bogga Feysbuuggiisa.

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa bilihii la soo dhaafay dadweynaha u ogolaanayey in ay Internet-ka uga qeyb-qaataan dib-u-eegista ay ku wadaan dastuurka, wax uuna guddigu hadda aad ugu mashquulsan yahay cutubyada iyo qodobadda la xiriira siyaasadda, iyada oo waxyabaaha uu la wadaagay shacabka, si ay aragtidooda ugu biiriyaan waxa lagu qorayo dastuurka, ay ka mid ahaayeen in ay kala doortaan:-

1 (a) Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen ama (b) Madaxweyne iyo Reysal Wasaare

2 Iney Xukuumadda iyo Baarlamaanka hayaan xilka (a) 5 Sano ama (b) 4 Sano

3 In Xildhibaanku uu noqon karo Wasiir (a) Haa ama (b) Maya

4 In Madaxweynaha, Reysal Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka (a) ay ka tanaasulaan dhalashada 2-aad ama (b) aysan ka tanaasulin dhalashada 2-aad

Warar kale oo la xiriira