Baarlamaanka Warar 

Khudbadaha madaxda ka qaybgalaysa furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo bilaawday

Waxaa goordhow xarunta Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka bilaawday hadal jeedinta madaxda ka qayb galaysa Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana sidoo kale madasha soo xaadiray madaxda DF-ka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa fadhiya madasha ay ka dhacayso Munaasabadda Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiinta qaar ee lagu marti qaaday Munaasabadda ayaa hada hadlay waxaana dadkaasi kamid ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Puntland, safiiro iyo wakiilo ka socda hey’adaha aan dowliga ahayn.

“Waan ku faraxsanahay ka soo qaybgalka Munaasabadaan, waxaana ka filayaa in Baarlamaanka ay wax wanaagsan ka qabtaan sharciyada horyaala ee dalka u baahanyahay” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Puntland oo Munaasabadda ka hadlay.

Warar kale oo la xiriira