Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacab oo faray Xukuumadda in ay si deg deg ah u soo gudbiso sharciga doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Xukuumadda Soomaaliya amray in ay si deg deg ah u soo gudbiso sharciga doorashooyinka Qaranka inta uu socdo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal oo shalay ka hadlayay Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ayaa sheegay in Kalfadhigaan ay hor taalo shaqooyin adag oo ay kamid tahay diyaar garowga doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020/2021.

“Waxaan farayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah u soo gudbiso sharciga doorashooyinka Qaranka si loogu diyaar garoobo doorashada sanadka 2020/2021” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu jiro gaabis ku aadan u diyaar garowga doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/2021 waxa uuna Xukuumadda iyo Madaxtooyada ka dalbaday in ay si deg deg ah uga shaqa galaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Warar kale oo la xiriira