Dowladda Hoose Warar 

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo sheegtay in aysan fududaan doonin in la kala diro gole deegaan

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ay wax ka bedeli doonaan siyaasaddii ku dhisnayd kala diridda golayaasha deegaanka, marka uu khilaafaad ka dhex dhasho.

Sanadkii hore golayaasha deegaanka Boosaso, Galkacyo iyo Garowe ayaa lagu kala diray wareegto madaxweyne iyadoo loo cuskaday xeerka dowladaha hoose ee Puntland (Xeer L7). Waxaana meelaha qaar jiray khilaafaad iyo is qabqabsi golaha dhexdiisa ah.

Mudane Dhabacad wuxuu sheegay in ay xoogga saari doonaan in fursad wanaagsan la siiyo shaqada golayaasha deegaanka ee cusub, iyadoo marka hore laga fiirsanayo golayaasha la soo dooranayo.

Wuxuu sheegay in ay dejiyeen shuruudo adag oo lagu soo xulayo golayaasha cusub, sida uu dhigayo xeerka dowladaha hoose.

“Ciddii qabsan wayda shaqdeeda ama noqoto qaswade, shaqsigaas ayaa bannaynaya booska, laakiin ma dhici doonto in golaha loo dumiyo qof ama labbo danahood” ayuu yiri wasiirku.

Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa wadda qorshe ay sanadkan ilaa saggaal degmo ugu dhisayso golayaal deegaan, kuwaas oo qaarkood aysan hore u lahayn gole deegaan kuwa kalena hore loo kala diray.

Warar kale oo la xiriira