Baarlamaanka Warar 

Afhayeennada golayaasha sharci-dejinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo maanta Garowe tegaya

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka JFS mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo inta badan afhayeennada baarlamanka dowlad-goboleedyada ayaa maanta imanaya Garowe, sida qorshuhu yahay.

Madaxdaas kala duwan ayaa ka qaybgalaya shirka shannaad ee afhayeennada baarlamanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo Bari ka furmi doona Garowe isla markaasna soconaya ilaa 11 Abriil, sida ay Kalfadhi u xaqiijiyeen maamulka golaha wakiillada Puntland.

Masuuliyiin farsamo oo ka socda dowlad-goboleedyada iyo golaha shacabka isla markaasna uu horkacayo xoghayaha joogtada ah ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa shalay Garowe u yimi diyaarinta hawlaha shirka oo toddobaadkii hore la sii qorsheeyay.

Weli xog fidsan lagama oga ajandayaasha rasmiga ah ee shirkaas in kastoo lagu sii diyaariyay shir 31dii maarso ka dhacay Muqdisho oo ay ka qaybgaleen xoghayayaasha golayaasha sharci-dejijnta kala duwan ee dalka.

Warar kale oo la xiriira