Baarlamaanka Warar 

Guddiyada cusub ee golaha wakiillada Puntland iyo hay’adaha xukuumadda oo ka arrinsanaya hannaanka wada-shaqaynta

Gudoomiyaasha guddiyada joogtada ah ee golaha wakiillada Puntland oo dhowaan shaqo bilaabay ayaa kulamo iyo isbarasho la yeelanaya hay’adaha xukuumadda iyo kuwa madaxa-banaan ee dowladda.

Guddiyadda ay madaxda u yihiin gudoomiyayaash ee baarlamanka ayay si gaar ah u saaran tahay masuuliyadda korjoogtaynta iyo la xisaabtanka ee hay’adahaas, waxaana goluhu warbixinno ka dhegaysta guddiyada mudada kalfadhigooda uu furan-yahay.

Mudane Xildhibaan Muuse Siciid Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga hawlaha guud, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee golaha wakiillada Puntland ayaa maanta xafiiskiisa aqalka golaha kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo uu horkacayay wasiir ku xigeenka wasaaradaas mudane Mustafe Dahir Aden.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa sidoo kale kulanka qayb ka ahaa.

War uu baarlamanku ka soo saaray kulankaas ayaa lagu sheegay in guddiga hawlaha guud, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo wasaaraddu ay ka ballameen hannaankii ay u wada-shaqayn lahaayeen.

Muddadii kalfadhiga 43aad ee golaha wakiilladu uu furnaa ayaa la dhisay guddiga 10ka ah ee baarlamanka, waxayse guddiga joogtada ahi kulankoodii ugu horeeyay yeesheen Axaddii toddobaadkan.

Warar kale oo la xiriira