Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare oo la filayo inuu deg deg ugu gudbiyo Puntland wixii ay isla fahmeen Wasaaradda Waxbarashada

Sanatarada Puntland ku metela Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in ay u gudbiyaan Dowlad Goboleedka Puntland wixii ay ka wada hadleen, sidey uga wada hadleen iyo isfahamka ay isla gaareen iyaga iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, oo ay shalay su’aalo ka weydiiyeen sababta uu ardayga Puntland mustaqbalkiisa uga walaacay, haddii uusan gelin imtixaanka wasaaraddiisa sanadkan.

Sanatarada ayaa la filayaa in ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka dhaadhiciyaan in ay la shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka. “Waxa anaga noo dhiman waxa weeyaan inaanu la kulano Wasaaraddii Tacliinta ee Puntland” ayuu yiri Sanatar Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Jurrille), oo shalay ka hadlayey shirkii jaraa’id ee ay wada jirka u qabteen iyaga iyo Wasiir Goodax. “Waxaanu balan-qaadnay oo kaleeto in aanu meel marino mabda’a ah wadashaqeynta labada heer inuu hirgalo” ayuu hadlkiisa raaciyey.

Sanatar Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Jurrille) waxa uu sheegay in, maadaama uu waqtiga imtixaanka dhaw yahay, uuna bilaaban doono 11-ka bisha soo socota, ay dedejinayaan iney Dowlad Goboleedka Puntland la kulmaan, si wixii laga heshiin karo ama leysla meel dhigo karo ay dhaqso u qabsoomaan. “Wasiirka waxaanu u balan qaadnay waqtiga ugu gaaban oo ugu dhaw inaanu arrintaa geleyno” ayuu yiri Sanatar Jurrille.

Warar kale oo la xiriira