Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Warbixin ka dhageysanaya Guddiga Xuduudaha Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta Warbixin ka dhageestaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha Soomaaliya sida lagu sheegay Bogga Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Guddigaasi ayaa lagu wadaa in ay Baarlamaanka siiyaan Warbixin ku aadan halka ay marayso Xadeynta Xuduudaha Maamul Gobaleedyada iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyo Sharciyada lagu dhisay Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Shirka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo aan wali furmin ayaa lagu wadaa in uu Shir Guddoomiye Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa aad u yaraa Fadhiyada Golaha Shacabka iyadoo ay baaqdayn dhowr kulan oo kamid ah Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka. Inta badan kulamada baaqday ayaa u baaqday Kooramkii oo aan buuxsamin iyo kulamo kale oo u baaqday muran iyo doodo hareeyay fadhiga Golaha Shacabka.

 

 

Warar kale oo la xiriira