Baarlamaanka Warar 

Sen. Mahdi Daahir oo sheegay in uu dalku wajahayo kacdoon siyaasi ah oo u gudbay shacabka

Sen. Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo ka mid ah mid ah guddiga xeer-hoosaadka iyo shuruucda ee Aqalka sare oo ka hadla shir jaraa’id oo ay maanta Garowe ku qabteen xubnaha aqalka sare ee Puntland laga soo doorto ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka.

Wuxuu sheegay inuu dowladda federaalka ah soo foodsaaray khakhal siyaasi ah iyo khalkhal amni ah. Sen. Mahdi wuxuu xusay in amniga iyo dhaqaaluhuna waa wada socdaan.

Sen. Mahdi wuxuu sheegay inuu jiro kacdoon siyaasi ah kaas oo ka gudbay siyaasiyiinta dhexdooda isla markaasna lugta la galay shacabkii degganaa maagaalada Muqdisho. “Horta illaah waxaan ka baryaynaa Xamar mar bay burburtay in aanay mar labaad inaga burburin” ayuu yiri Sen. Mahdi

Wuxuu Senetarku ka mid ahaa xubno ka tirsan aqalka sare oo laga soo doorto Puntland, kuwaas oo galabta yimi Garowe isla markaasna sheegay in ay xukuumadda iyo golaha wakiillada Puntland la tashi kala yeelan doonaan xaaladda dalka oo ay qaarkood ka muujiyeen walaac xoog leh.

Sen. Mahdi ayaa u jeediyay dadka Puntland in looga baahan yahay in ay keenaan xal waafi ah oo looga gudbi karo kala guurka. Wuxuu sheegay in Puntland uu saaran yahay culayska la xiriira arrintaas.

Warar kale oo la xiriira