Baarlamaanka Warar 

Kulanka golaha shacabka ee maanta oo lagu dhaariyay xildhibaano cusub

Golaha shacabka baarlamanka JFS ee Soomaaliya ayaa maanta aqalka golaha ee magaalada Muqdisho ku leh kulankoodii 10naad ee Kalfadhiga shannaad.

Hawlaha waa weyn ee maanta horyaal ayaa ah dhaarinta xildhibaano cusub, u codaynta xubno ka bannaan guddiga la socodka dib u eegista dastuurka iyo qaybinta akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga badroolka dalka.

Fadhiga ayaa furmay 11:00 barqanimo, kadib markii guddoonku saacad dheeraad ah ku daray wakhtigii lagu ballamay. Waxaana jooga 175 mudane, sida uu ku soo waramayo weriyaha Kalfadhi.

Goor horeba waxaa la dhaariyay xildhibaano cusub oo kala ah Nuur Siidow Baaba, Cali Sheikh Cabdullaahi, Cali Cadow Maxamed oo buuxinaya kuraas bannaanayd, waxaana laga soo doortay Koonfur galbeed.

Warar kale oo la xiriira