Baarlamaanka Warar 

Kulankii golaha shacabka BFS ee maanta oo u baaqday kooram la’aan

Kulankii 11naad ee Kalfadhiga shannaad ee golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta loo balansanaa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooramka oo aan buuxin.

Fadhiga waxaa yimi 132 mudane halka kooramka laga rabay 139 mudane.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa amray in la yeeriyo magacyada xildhibaanada maqan si loola xisaabtamo, maadama kooramku uu u baaqday la’aantood isla markaasna ay hawl muhiim ahi u istaagtay.

Weriyaha Kalfadhi ee golaha wuxuu ku warramayaa in saacado badan ay qaadatay in la sugo helitaanka kooram ku filan oo kulanku ku furmi karo.

Akhrinta labaad ee xeerka badroolka dalka oo golaha loo qaybiyay sabtidii ayaa qorshayd maanta in la akhriyo.

Warar kale oo la xiriira