Baarlamaanka Warar 

Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharciga shirkadaha

Golaha shacabka BFS ayaa maanta yeeshay kulankii 13naad ee kalfadhiga shannaad, kaas oo ay soo xaadireen 142 mudane. Waxaana guddoomiyay Cabdilweli Sheikh Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka koowaad.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa in akhrinta seddexaad goluhu mariyo sharciga shirkadaha iyo akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dakhliga.

Markii uu kulanku furmayba baarlamanku waxay u codeeyeen sharciga shirkadaha oo akhrintii saddexaad marayay, kaas oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah 142da mudane kulanka fadhiyay, sida uu ku waramayo weriyaha Kalfadhi ee golaha.

Golaha shacabka ayaa sidoo kale bilaabay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dakhliga.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka codsaday golaha in ay dedejiyaan ansixinta sharcigaas oo uu sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay dalka. Wuxuu sheegay in mudo dheer laga shaqaynayay sharcigan.

Warar kale oo la xiriira