Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo Sharci darro ku tilmaamay Xaragga Xildhibaan Dhakool

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Xaragga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo katirsan Golaha Wakiilada ee Soomaaliland oo muddo dhowr-moolmood ah ku jira Xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay Sharci darro tahay Xaragga Xildhibaan Dhakool waxa uuna dalbaday in la sii daayo sida ugu dhaqsiyaha badan. Eedeymaha loo jeediyay ayuu ku sheegay in ay tahay ra’yi u gaar ah oo aan dambi ku ahayn Qaranimada Soomaaliland.

“18-ka May waa maalin Qaran lkn qofka waa ka aragti badalnaan karaa ra’yigiisana waa u xor oo dastuuurka ayey ku cadahay” ayuu yiri Baashe Maxamed Faarax Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo ka hadlay magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

“Xaragga Xildhibaan Dhakool waa mid Sharciga baal-marsan, Xaragga Xildhibaan waxa uu leeyahya dariiq loo maro lkn sidaan waa nidaam aan sharci ahayn” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliand Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa.

Hogaanka Maamulak Soomaaliland ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax, in ay si deg deg ah Xoriyadiisa siiyaan Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ku xiran CID-da Ciidamada Booliiska Soomaaliland.

“Xildhibaanka lama xiri karo, lama baari karo waxna lama weydiin karo ilaa laga qaado Xasaanadda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Dhinaca kale Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo katirsan waaya aragga Soomaaliland sidoo kalane katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada iyo Salaadiinta Soomaaliland.

“Alle ayaa naxariistii Janna uga baryayaa, waxa uu ahaa Xaaji Cabdi-Waraabe nin qaran ee ma’ahayn mid qoys” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Maamulka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax.

 

 

Warar kale oo la xiriira