Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka JFS oo xisaab-xirka miisaaniyaddii 2017 su’aalo ka weydiiyay wasiiradda maaliyadda

Kulankii 14naad ee kalfadhiga 5naad ee golaha shacabka BJFS ayaa goor dhowayd soo xirmay. Golaha ayaa dood kulul ka yeeshay xisaab-xirka miisaaniyaddii sannadka 2017ka.

Wasiir dowladaha maaliyadda xildhibaan Maxamuud Xayir ayaa golaha hortegay oo ay su’aalo ka weydiiyeen arrinta xisaab-xirka miisaaniyadda 2017 oo buuq badani ka jiray.

Weriyaha kalfadhi ee golaha waxaa uu sheegayaa in xildhibaanadu ay ku doodeen in xisaab-xirkaas uusan weli caddayn oo mugdi badani ku jiro, waxayna ahayd in mar hore goluhu go’aan ka gaaro.

Xildhibaanadda doodda ka qayb-galay qaarkood ayaa soo jeediyay in la dhaqangeliyo hannaanka ah in aan la fasaxin miisaaniyad iyo bajad cusub ilaa la hubiyo sida loogu dhaqmay miisaaniyaddii hore iyo xisaab-xirkeeda.

Golaha ayaa sii wadi doona doodda la xiriirta xisaab-xirka miisaaniyadda sannadkii 2017 inta kalfadhigan lagu jiro.

Warar kale oo la xiriira