Warar 

Kulan Saddex geesood ah oo Garowe uga furmay Madaxweyniyaasha Puntland, K/Galbeed iyo Hirshabeelle

Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa sameestay Iskaashi cusub kadib markii uu Natiijo la’aan ku soo dhamaaday Shirkii madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada ee ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal Saciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha HirShabeelle ayey kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaanada Maamul Gobaleedyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan iskaashiga ah, isagoo soo dhoweeyay xiriirka cusub ee dhex maraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

“Runtii waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo runtii qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlay furitaanka Shirka Garowe.

“waxaan ku faraxsanahay saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah in aan isla qaadanay go’aano dan u ah Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Soomaaliya ayaa laguaha la sii galaysa xaalad siyaasadeed oo aad u adag waxayna dad badan is weydiinayaan sida ay ku dhamaan doonto kala-aragti duwaanshiyaha siyaasadeed ee sababay kala-tagga Dowladda Federaalka iyo maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira