Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulankooda 14aad ee Kalfadhiga 5aad ku yeeshaan magaalada Muqdisho waxaana Shir Guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Ajendaha Kulanka maanta ay yeelanayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah  Akhrinta 1aad  ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale  ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017 sida lagu daabacay Bogga Golaha Shacabka ee Internet-ka.

Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkii 2017 ayaa wali lagu sameynin Xisaab xir waxaana maanta looga fadhiyaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay soo gaba-gabeeyaan inkastoo lagu eedeynayo in ay ka raageyn.

Sabtidii la soo dhaafay ee Todobaadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka kulan ay yeesheen waxaa ay akhrinta koowaad marsiiyeen  sharciga Dakhliga dalka.

 

Warar kale oo la xiriira