Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka ee BFS oo maanta ansixiyay laba Heshiis oo muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey laba heshiis oo mid kamid ah Caalami yahay kuwaas oo dhawaan ka soo gudbay Golaha Wasiiraa ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa fadhiga baarlamaanka ka hor aqriyay heshiis Caalami ah oo ku saabsan Naafada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka islamarkaana ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aqrin kadib waxay cod caqlabiyad leh ku meel-mariyeen heshiiska caalamiga ah ee Naafada oo madasha laga sheegay in uu muhiim u yahay Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiskii magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay ku gaareen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada dalka.

Heshiiskaan ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay ku dhax-maray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada sanadkii la soo dhaafay ee 2018, waxaana baarlamaanka horkeenay Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa maanta ka dooday warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku laheyd Jubbooyinka iyo Gedo.

Warbixinta ayaa si faah faahsan waxaa loogu soo bandhigay khasaarooyinka loo geystay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana uu Baarlamaanka cambaareeyay falkaas iaygoo dalbaday in Xukuumadda Soomaaliya ay jawaab ka keento sababtii ay Ciidamada Kenya u baabi’iyeen Xarumaha Shirkadda Hormuud ee Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Warar kale oo la xiriira