Baarlamaanka Senator Warar 

Senatarro, Wasiir ku xigeen iyo mas’uuliyiin kale oo goordhow lagu soo celiyay magaalada Muqdisho

Senator Ilyaas Cali Xasan, Senator Zam Zam Daahir iyo Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim oo xalay ku xanibnaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ayaa saaka dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho sida uu goordhow shaaciyay Senator Ilyaas.

Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ay ku soo nabad noqdeen magaalada Muqdisho islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono waxyaabihii ay la kulmeen mudadii ay ku sugnaayeen Kenya.

“Alxamdullilaah Muqdisho ayaa nabad ugu soo guryo noqonay aniga iyo dhamaan mas’uuliyiintii kale ee aan wada soconay, faah faahinna waan idinla wadaagi doonaa” ayuu yiri Senator Ilyaas Cali Xasan oo katirsan xubnihii xalay ku xanibnaa Garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda ee Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in xalay ay seexdeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi. Wasiirka ma bixin faah faahin intaas ka dheer.

“Xalay waxaan seexanay gudaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi waana nabad qabnaa waxaana ku soo wajahanahay dalkaynna Hooyo” ayuu yiri Cusmaan Libaax Ibraahim oo katirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in xubnahan ay u socdeen shir Caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi, kaasoo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo dowladdaha Saddexda ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kenya ayaa mudooyinkanba qaadeysay talaabooyin ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, waxey hore usoo eriday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, waxey 9-kii May joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray Muqdisho ee Nairobi aadi jiray, iyadoo ugu danbeynna haatan joojisay bixinta viisaha dal ku galka ee Garoonka Nairobi lagu siin jiray Wasiirada iyo Xildhibaanada, maadaama dacwad dhanka badda ay kala dhaxeyso Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira