Baarlamaanka Warar 

Fadhigii Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ee maanta oo u baaqday kooram la’aan

Fadhiga 17naad ee kalfadhiga 5naad ee golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta oo arbaco ah ay yeelan lahayeen ayaa u baaqday kooram la’aan.

Qorshaha fadhiga ayaa ahaa in baarlamanka maanta la horkeeno wax ka bedelka sharciga iibka qaranka oo mari lahaa akhrinta koowaad.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii uu guddoonka baarlamanku u digay xildhibaanada aan gudan waajibaadkooda ee aan fadhiyada iman, kuwaas oo sababa in kulamadu u baaqdaan kooram la’aanta.

Guddoonku wuxuu golaha ku wargeliyay in baarlamanka si kooban loo fasaxay maadama la gelayo tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Rammadaan.

Waxaa hawlaha kalfadhigu dib u bilaaban doonaan marka laga soo laabto toddobaadka ciidda.

Warar kale oo la xiriira