War-Saxaafadeedyo 

Xildhibaan ku eedeeyay Madaxtooyadda qiimaha weli sarreeya ee sannadkan lagu tegayo Xajka

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda in ay faragalin xoogan ku samaysay guddigii xulay shirkadaha ka shaqaynaya arrimaha Xajka ee sanadkaan.

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir ayaa sheegay in wali uu sarreeyo qiimaha Xajka sanadkaan oo gaaraya $3,650 dollar xili shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka oo ahaa 6 shirkadood lagaarsiiyay 54 Shirkadood

“Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga arrimaha Xajka ku daray shirkado ay leeyihiin saxiibadiisa siyaasadda” ayuu yiri Xildhibaan Cabdifitaax

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir ayaa sheegay in lagacta laga qaadayo Xujayda ay ku jirto 100 dollar oo ay qaado dowladda Soomaaliya, taasi oo aan meelna uga jirin nidaamka maaliyada dalka oo ay marto gamcaha shaqsiyaad gaar ah.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir

Qiimaha lagu aado Xajka ayaa sanadkii hore ahaa $3,700 waxaana jirtay rajo xoogan oo ahayd in ay hoos u dhici doontp marka labadiyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha Xajka ee qaada Xujeyda.

Docda kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay kaga dan lahayd badinta shirkadda ka shaqeeya arrimaha Xajka duminta shirkadaha waaweyn ee duulimaadka sameeya sida Jubba, Daalo iyo Afrika

“Dowladda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta shirkadaha dhismay maahan in ay colaadiso” ayuu yiri

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir, ayaa sheegay in dadka xujeyda ah ay sanadkaan mari doonaan dhibaatada ugu daran oo ah in lamarsiiyo wadooyin kala duwan qaarna laga tagi doono inta lacagta laga hor marsado, waa sida uu yirie; Shirkadda sanadkaan ka shaqaynaya arrimaha Xajka qaar ayaan awoodin shaqada loo dhiibay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa cabasho xoogan oo ku aadan qiimaha lagu aado Xajka.

Warar kale oo la xiriira