Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xarig Muqdisho loogu geystay suxufiga Cali Aadan Muumin oo ka tirsanaa warbaahinta maxaliga ah ee Goobjoog.
Wuxuu ku tilmaamay inuu xarigaas yahay mid sharci-daro ah.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas kadib ugu baaqay baaqaynaa hay’adaha amniga in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ay xorriyadiisa ugu soo celiyaan suxufigaas.
“Xariga Wariye Cali Aadan Muumin wuxuu daliil cad u yahay siyaasada kaligiis taliyenimada ah ee uu higsanayo Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee lagu caburinayo warbaahinta madaxa banaan iyo wariyeyaasha fara ku tiriska ah ee diiday laaluushka Villa Soomaaliya” ayuu yiri Mahad.

Suxufigan ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa shalay warqad u soo diray hay’adda dembi-baarista gobolka Banaadir si su’aalo looga weydiiyo cabasho laga soo gudbiyay oo ka timi wasaaradda waxbarashada DFS, laakiin saaka markii uu xaruunta tegay ayaa la xiray.