Baarlamaanka Warar 

Baarlamanka Puntland oo xukuumadda u jeediyay in deg deg looga hawlgalo jidadka daadadku jareen

Xubno ka mid ah golaha wakiillada Puntland ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah meelaha uu ka go’ay jidka halbowlaha ah ee isku xira Garowe iyo Boosaso oo ay gooyeen daadad soo rogmaday sabtidii.

Waxay sheegeen in uu istaagay isu socodka dhinacyada wadadaas isla markaasna aysan iyagu u gudbi karayn meelo dhawr ah oo ka mid ah jidka iyo goobaha ay xoola-dhaqatadu ku go’doonsan yihiin.

Baarlamanku waxay ka digeen halista dhaqaale ee ka iman karaysa go’naashiyaha jidkaas hadii aan deg deg wax looga qaban.

“Ma sugayso in wakhti iyo shirar ay qaadato. Waa wadooyin go’an, waa qulqulkii nolosha oo taagan waa dadkii oo isu gudbi la’a” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Siciid Xasan gudoomiyaha guddiga hawlaha guud, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee golaha.

Wuxuu sheegay in arrintani ay masiiri tahay oo ay tahay in si dhaqso ah looga hawlgalo.

Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Avv. Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan ayaa ku baaqay in arrintan wax lagaga qabto isku tashi dadweyne iyo dadaalka dowladda si dhaqso ah. Waxayna boggaadiyeen guddiga xukuumaddu u magcawday in ay arrintan ka jawaabaan.

Warar kale oo la xiriira