Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo madaxda maamul gobaleedyada ugu baaqday Shir deg deg ah

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa looga hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya, gaar ahaan Khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobaleedyada

Galmudug ayaa isugu yeertay madaxda maamul Goboleedyada in ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si looga wada hadlo arimaha taagan islamarkaana looga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo lagu badbaadin kara Soomaaliya.

Qoraalka ayaa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana lagu sheegay in ay muhiim tahay in hogaamiyaasha maamul gobaleedyada yeeshaan Shir degd deg kadib kulankii fashilmay ee Garowe isagoo mas’uuliyadda dhibaatooyinka hareeyay Soomaaliya ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“DF-ka Soomaaliya waxay dagaal ku soo qaaday Galmudug waxaana laga jartay dhaqaalihii iyo mashaariicdii oo dhan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug.

“Galmudug waxay madaxda maamul gobaleedyada ugu baaqaysaa in kulan deg deg ah isugu yimaadaan si looga hadlo xaaladda ka sii dareysa ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Madaxda Galmudug waxay sheegayaan in ay marti gelin doonaan Shirka deg deg ah ee loogu baaqay madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya waxaana beesha Caalamka laga dalbaday in ay il gaar ah ku eegaan Soomaaliya oo wajaheysa xaalad aad u adag oo dhanka Siyaasadda.

“Galmudug waxay dooneysaa in Shirka ay marti geliso, waxaana beesha caalamka ka dalbaneynaa in ay il gaar ah ku eegaan xaaladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan magacaabida Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo dhowaan uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Bishii May ayay aheyd markii uu fashilmay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii Garowe ka dhacay.

 

Warar kale oo la xiriira