Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib dhowrkii cesho ee ugu dambeysay uu ku maqnaa dalka dibaddiisa.
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Muudeey ayaa Xildhibaanada iyo shacabka kale ee soo dhoweeyay uga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay kadib hadal kooban uu jeediyay.
“Aad ayaa idinkaga mahadcelinayaa soo dhoweyntiinna quruxda badan nuuc kasta oo aad isugu jirtaan” ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Warbaahinta kula hadlay.
Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey Guddoomiye ku xigeeka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in muddo kooban shaqooyin dibadda ah uu ku maqnaa islamarkaana uu maanta soo laabtay.
Xildhibaanada soo dhoweeyay Guddoomiye Muudeey waxaa hor boodayey Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Nuux waxaana jira warar sheegaya in Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka ay wadaan Mooshin ka dhan ah Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.