Gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka, dowladda iyo qoyska uu ka baxay gudoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland Yusuf Xaaji Nuur.
“Waxaan ka tacsiyaynayaa anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada Puntland geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga” ayuu yiri Dhoobo-daareed.
Gudoomiyuhu wuxuu sharaxaad kooban ka bixiyay taariikhda marxuumka.
“Alle ha u naxariistee Marxuumku waxaa uu Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan tan iyo 1960-kii, waxaa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee noqda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland. Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa aas-aasayaashii Puntland” ayuu yiri Dhoobo-daareed.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gudoomiyaha maxkamadda sare u magcaabay Yusuf Xaaji Nuur sannadkii 2016, iyadoo wakhtigaas uu ahaa markii labaad ee uu jagadaas qabto. Mudooyinkii u dambeeyay wuxuu xaalad caafimaad u joogay dalka Turkiga.