Baarlamaanka Warar 

Golaha shacabka oo meelmariyay xeerka dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa

Golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaalay golaha.

Kulanka waxaa yimi 151 mudane, waxaana sharciga ansixiyay 149 mudane. Weriyaha kalfadhi ee golaha wuxuu ku soo waramayaa in hal mudane ka aamusay midna kalena uu diiday kalsooni siinta xeerkan.

Ajandahan golaha ee maanta ayaa ah kii sabtidii uu ka shaqayn lahaa golaha shacabka oo weli la daala-dhacaya guntin la’aanta kulamada.

Intaan sharciga la ansixin dhawr mudane ayaa ragtiyo ka dhiibtay xeerka, qaarkood waxay sheegeen in aqalka sare aysan wax badan ka bedelin qodobada balse ay xoogga saareen siiqada xeerka.

Xildhibaanada qaarse waxay sheegay in xeerkan uu u baahan yahay in wakhti la siiyo isla markaasna aan lagu deg degin ansixintiisa. “Dhamaan qodobada waxbaa laga badalay marka yaynaan ku fududaan” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Xeerkan dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa ah xeer hore u meel-maray oo ay goluhu dib u eegis ku samaynayeen.

Warar kale oo la xiriira