Warar 

Xildhibaano ka tirsan BFS oo ka qayb-gelaya shirka nabadaynta ee ka socda Hobyo

Sanetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Maxamed Fiqi iyo Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku biiray shirka nabadaynta ee ka socda Hobyo iyagoo odayaasha iyo waxgaradka ka qeyb-galaya kala hadlaya geeddi socodka shirkan.

Shirka Hobyo ayaa socda xili ay dowladda federaalku doonayso in ay maamul u dhisto dowlad-goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan filayo in la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno khuseeya bulshada deegaankaas oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ay ee ay siyaasaddu ka mid tahay.

Go’aannada iyo talooyinka shirkaas ka soo baxa ayaa su’aali ka taagan tahay sida ay u saamayn karaan qorshaha dowladda federaalka ee dib u dhiska maamulka Galmudug.

Shirka nabadaynta oo bishii hore ka bilawday Hobyo ayaa wejigii labaad galay. Waxaana xilligan jooga xubno ka tirsan labada gole ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya

Warar kale oo la xiriira