Baarlamaanka Warar 

Gudoomiye Mursal oo shaaciyay xiliga uu xirmay Kalfadhigii 5naad ee goluhu

Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa qoraal xafiiskiisa ku soo baxay ku shaaciyay inuu xirmay kalfadhigii 5naad ee golaha shacabka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in hawlaha kalfadhigaas ay ku ekaayeen 27kii bishii July.

Golaha shacabka ayaa isu diyaarinaya kalfadhiga 6aad ee golaha oo furmaya 27ka bisha Sibtembar, sida lagu sheegay qoraalka wargelinta ah ee ka soo baxay xafiiska guddoonka golaha shacabka.

Mudadii lagu jiray kalfadhiga shannaad waxaa golaha hareeyay caqabado ay ka mid yihiin in kulamo tiro badani ay u baaqdeen kooram la’aan xildhibaanada oo soo xaadiri waayay golaha. Dhawr jeer  ayaana guddoonku arrimahaas kala hadlay baarlamanka.

Xeerar uu ka mid yahay kan badroolka, xeerka dakhliga, kan saxaafadda iyo kuwa kale ayaa lagu ansixiyay mudadii uu fadhigu furnaa. Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale guddi u saaray diyaarinta xeerka doorashooyinka oo ay bishii Abriil xukuumaddu u gudbisay golaha.

Guddigan ayaa eegi doona isu-dheelitirka xeerka oo ah mid aad u khuseeya geedi-socodka doorashooyinka dalka, hannaanka doorasho ee dalka iyo arrimo kale. Waxaase dowlad-goboleedyada qaarkood sida Puntland ay sheegeen in aan wax talo ah laga siin xeerka oo ah mid khuseeya masiirka dalka, sida ay sheegeen.

Warar kale oo la xiriira