Baarlamaanka Warar 

Dhoobo-daareed oo ka hadlay dhibaatada ay mudaba la daalaa-dhacayeen shacabka Soomaaliya

Gudoomiyaha wakiillada Puntland mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed ayaa hambalyada ciiddul-Adxaa u diray umadda Soomaaliyeed.

War muuqaal ah oo maanta ka soo baxay xafiiskiisa wuxuu si qoto-dheer ugaga hadlay dhibaatada Soomaaliya mudada haysatay.

“Dhibaatadan ina daashatay aan ka ducaysano oo alle weydiisanno inuu inaga joojiyo, inaguna qalbi wanaagsan oo nadiif ah aan la nimaadno oo belaayadda, xiqdiga iyo qabyaaladda iyo qurunka iyo waxa inaga buuxsamay oo aakhiro iyo aduun midna aan ina anfacayn aan ka waantoyno” ayuu u jeediyay dadweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyuhu wuxuu shacabka Puntland kala hadlay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga iyo nabadgelyadda oo ah nimco weyn oo ay haystaan, sida uu sheegay. “Hal umad oo danteeda illaahay fahamsiiyo aan noqono, meelna aan ka soo wada jeensano” ayuu yiri Dhoobo-daareed.

Warar kale oo la xiriira