Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay mashaariic horumarin ah oo madaxweynaha Soomaaliya uu balan-qaaday horraantii 2018 oo uu booqasho ku marayay Puntland.
Xildhibaan Waaberi wuxuu xusay in mudaba ay daba-gal ku hayeen fulinta balanqaadka iyo wax ka qabashada dhismaha mashruuca wadada Kala-bayr-Caluula, iskuul dhinaca farsamada gacanta ah oo madaxweynuhu xiligaas ka dhagax-dhigay degmada Waaciye iyo kuwa kale.
Wuxuu sheegay in mashaariicda fulintoodu ay wakhti badan qaadato ayna tahay in la sugo diyaarinta iyo hannaanka ay marto, balse wuxuu carrabka ku dhuftay in uu muuqdo gaabis ku wajahan mashaariicdan oo ka jira dhinaca dowladda federaalka ah.
“Waxaan caddayn karaa in dowladda federaalka ah ay ka gaabisay in ay mashaariicdaas horumarinta oo dadka micnaha weyn ugu fadhida in ay si deg deg ah u fuliso. Arrintaas gaabis weyn baa ku jira” ayuu yiri.
Xildhibaan Waaberi wuxuu baaq u diray madaxweynaha Soomaaliya oo balan-qaadyadan ka sameeyay deeganada uu booqday. “Madaxda sare ee madaxweynuhu ugu horeeyo waxaa laga rabaa balan-qaadkoodii in ay fuliyaan” ayuu yiri.
Waraysi uu xildhibaanku siiyay warbaahinta maxaliga ah ee Garowe ayuu isaga fogeeyay eedo loo jeediyo xildhibaanada laga soo doorto Puntland ee golaha shacabka ku jira.
Booqashadii Ra’isal wasaare Khayre ee Galkacyo iyo lacago ay dowladda federaalku ku bixisay dhismaha garoonka cawaale ee Gaalkacyo iyo dhismaha jidka wadnaha ee Boosaaso oo aan la marin Bankiyada dowladda ee Puntland ayaa Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ah dab ku sii shidday.
Siyaasiyiin ayaana ku eedeeyeen xildhibaanadaas in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u adeegsanayso kala fur-furidda shacabka Puntland