Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble “Anagu waxaan rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho koonsal Dadku ay soodoortaan”

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo katirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir uu yeesho gole deegaan oo iska dhexdoorta Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa degmada xilli uu waraysi siinayey DALSAN TV.

“Dadka gobolka banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda dhexe iyagu haya, canshuur kuhaya, amni kuhaya, ciidamo kuhaya waxwalba kuhaya hadana looma ogola maayarkooda iyo gudoomiyahooda inay soodoortaan” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble

                 Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble

Waxa uu intaa siiraaciyey Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble “Inta aan lagaarin maqaamka caasimad iyo caasimadu maxay noqonaysaa anagu waxaan rabnaa gobolka banaadir inuu yeesho koonsal dadku ay soodoortaan oo koosalkaasi uu soodoorto gudoomiyaha gobolka iyo duqa degmada”

Dhanka kale Xildhibaan Cosoble waxa uu kahadlay dilkii gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow oo uu sheegay in aysan ku qanacsanayn baarista kiiska dilka Eng. Yariisow “Maanta amni mahaystaan gudoomiyihii loo magacaabay ayaa gurigii iyo xafiiskii uu kushaqaynayey lagu dilayaa, maxaa dhacay isaga laftiisa taliyaha amniga booliska gobolka u qaabilsan ma keeni karo oo ma magacaabi karo, ilaa hadda warbixintii dowlada bixisay wax lagu qancay maaha sida uu kudhintay gudoomiyihii gobolku”

Warar kale oo la xiriira